Multilingual Access Project - Somalia
Woman

Qorsheyso Marhore: in aad Nafsadaada Badbaadsatid

Dareen sanoow eena ka dhigtoonow Calaamadaha Rabshooyinka Qoyska. Waxay noqon kartaa khatar ama waxaa dhici kartaa in loo qaato wax walba in ay fiicnaadaan. Badanaa, wax walba wey xumaan karaan.

Adiga iyo caruurtaada waxaad isu diyaarin kartaan haddey xaalad deg-deg ah dhacdo qorshe nabad gelyo ah.

Sharciga Gobolka Waashintoon (Washington State) wuu ka soo horjeedaa xadgudubka arimaha gudaha ee qoyska, Maxkamadda wey ku caawineysaa in aad ku joogtid nabad. Tusaale ahaan, adiga waxaad awoodaa in aad heshid amarka dhowritaanka kaa soo kaa celinaayo ama idinka fogeynaayo adiga iyo caruurtaada.

Waxaa kaloo jiraa khadka degdega, guryo iyo Afhayeen kuwaas oo ku caawinayo.

Waxaa suurto gal ah Adiga in aad heshid caawinaad ku saabsan xaaladaada dhaqaale.

Si aad uga madax bannaanaatid qofkii ku canaadsanaayey. Maamulka xaaladaada adiga qabso. Hanna ka baqin in aad caawinaad weydiisatid.

Waa maxay calaamadooyinka digniinta ee Rabshooyinka Arimaha Gudaha ee Qoyska?

Masameeyaa Ninkaada, Saaxiibkaa ama Qofka kula degan:

Haddii ay waxyaabahan oo dhan kugu dhaceen, waxaa dhici karto in aad adiga khatar ku jirtid.

Ka hel xoogaa caawinaad ah Taageeraha, meel dhigo qorshahaada nabadgelyada.

Liiska Qorshaha Badbaadada

Tusaale ahaan wax yaabaha muhiimka kuu ah ee aad qaadaneysid adiga ahaan: Xasuuso, in badan aad taxadir ka ahooto, adigana waad ka ammaan heleysaa.

Dalabka Dhowritaanka

Xaq ayaad u leedahay habka maxkadda haddii lagugu xadgudbay ama lagu cadaadiyey:

Haweenka xooga loo garaacay hoygooda iyo barnaamijyada u dooda sida sharci ahaanta waxay kusiin karaan warbixin badan oo ku saabsan sidii aad u heli lahayd ama u cusbooney siin laheyd dalabkaada dhowritaanka.

Waxaad ka codsan kartaa dalabka dhowritaanka maxkamada kuugu dhow (Superior Court,District Court or Municipal Court)Maxkamada Sare,Maxkamada Degmada ama Maxkamada Dowlada Hoose. Dalabka ku meel gaarka wuxuu soconayaa labo asbuuc. Markaa ka dibna waxaad ku noqoneysaa Maxkamada waana in aad tagtaa intuusan Qaaliga (Garsooraha Maxkamada) imaanin waana qofkii go’aamin lahaa in lagu siiyo dalabka dhowritaanka oo buuxa kaasi oo aad heysan kartid sanad ama in kabadan.

Haddii luqada Ingariiska (English) aysan aheyn luqadaada koowaad, ama aad caawineysid qof aan ku hadlin Ingariiska (English), waxaad helaysaa qof kaa caawiyo buuxinta dalabka dhowritaanka: http://protectionorder.org/translations.htm.

Xaalada dhaqaalahaaga

Way adag tahay sidii aad uga fogaan laheyd qofkii kugu xadgudbaayey. Waxaa dhici kartee in aad heshid lacag cadaan ah, lacagta cuntada iyo warqada caafimaadka adiga iyo caruurtaadaba. Laxiriir qeybta deeqbixinta ee bulshada iyo caafimaadka..

Laanta socdaalka ama Taageerahaada Rabshadaha Arimaha Qoyska waxay kaa caawini karaan in ay kuu ogaadaan wixii aad xaq u leedahay:

Haddii aad sharcigaaga warbixin dheeraad ah uga baahan tahay ama caawinaad arintaasi, la xiriir Qaanuunka (sharciga) caawinaada waashintoon (Washington Law Help), kaasoo aad ka heleysid warbixino badan oo luqado kala duwan ah.