QalabkaWaxbarashada
Qeybta websaadka (website) waxay ku siineysaa warar (akhbaar) kusaabsan rabshooyinka arimaha gudaha ee qoyska taasi oo ku caawinkarto, ama aad u isticmaashid in aad ku caawisid dadkale.
Waxaad ka heleysaa waxyaabo badan oo ku saabsan maxay yihiin rabshooyinka arimaha gudaha ee qoyska, iyo dabaacadaha kala duwan ee ay ku sameysmaan rabshooyinka qoyska, sidii ay u saameyn lahayd soo sarida sharcigaaga (immigration) iyo sharciga ku saabsan ku ganacsiga suuq madowga dadka.
Waa Maxay Rabshada Qoyska?
Haddii aad tahay qof loogu xadgudbay jir ahaan, galmo ama niyad jebin ahaan uuna uga xadgudbay qof qoyskaada katirsan, ama qof aad caruur u dhashay (anug) iyo qof aad is shukaansateen, taasi waa rabshadaha arimaha gudaha ee qoyska.
Waxaad xaq u leedahay in lagaa ilaaliyo qofkii adiga ku waxyeelayey.
Rabshooyinka qoyska waa markuu isku dayo qof in uu qofka kale xoog u xukumo isagoo isticmaalaya argagixin ama cabsi, hanjabaad galmo xad gudub ah, gaatin, lacagta oo awood lagugu sheegto (xukun) xisaabta bangiga, iyo dabeecad lamid ah (dhan xumo) la mid ah.
Rabshooyinka Arimaha Qoyska waa khatar, mararka qaarkood hadaadan u helin caawinaad weysii xumaadaan.
Liiska hoos ku qoran waa tusaalooyinka dabeecadaha iyo tusid ahaan sida ay oogu xadgudbaan ayagoo isuguna dhow dadka kale sida nin iyo naagtiisa ama dadka isla degan waxaana laga yaabaa horukac badan ama marxalad khatar ah.
Rabshado Isdabajoog ah
Murugo
- Been ku saabsan sharcigaaga
- In loo sheego qoyskaaga been adiga kugu saabsan
- In lagugu sheego in aad ka tagtay dhaqankaada aadna noqotay “cadaan” ama “ameerikaan”
- Inla iska kaa dhego tiro ama layareeyo dareenkaada
- Udiidid iyo u ogolaansho in lagaaga dhigo niyad kicin taageerana lagaaga dhigo ciqaab
- Fagaaraha iyo meel gaar ahba sharafta lagaaga rido.
- Eedeyn iyo dacweyn
- In amar lagugu siiyo waxbadan oo aad u baahney in aad ka digtoonaatid
- Hanjabaad ah kasoo horjeedid dhinaca caruurta ama guurka
- Sharafridid ah in ay kaalintaada oo dhan in ay tahay sameynta/ jaceylka/ oo ay sameeyaan nin iyo naagtiisa ama dadka kale ee wax ka dhexeeyo.
- Isticmaalid quraafaad ah kaalinta labka iyo dhediga ah
- Sharaf ridid diintaada iyo dhaqankaada
- Xukumid weyn ee go’aanka
- Awooda wax lagu maamulo go’aanka uga weyn
- Ku anda oosho in uu markastaba ahaado in uu wax xukumo
- Kuu sheego in aad tahay qofka ereylowga ah, oohin iyo cukhdad iyo shaki qabo, maskax ahaanna jiran dadka kalena aad dili doontid
Jirka Dadka
- Diiditaan ah in uu caruurtiisa baahidooda jirto in uu daboolo ee isaga ku tiirsan
- Riixid ama ciriirin
- Ciijin, ama garaacid (tumid)
- Xoog u dharbaaxid (dhifasho),qaniinid qanjaruufo (qandhuufo)
- ruxruxid (gilgilid), ama jugjukeen (nabar)
- Garaacid, feerid, laadid (haraanti)
- Tuurid adiga lagu tuuro
- Joojin lagu joojiyo marka lagu garaacayo ama feeraayo
- Qaaditaan lagaa qaado cuntada, daawada iyo hurdada
- Dilaacin (jeexid), lafjebin, dhaawac gudaha ah
- Isticmaalid hub, ama isticmaalid walax (shey) sida hubka oo kale
- Awood beelid ah inlagu curyaamiyo (naafo lagaa dhigo) ama fool xumeyn
- Dilid nafta in lagaa gooyo (qudha ka jarid)
Argagixin (cabsi gelin)
- Qarin, burburin (baabi’in) warqadahaada muhiimka ah, Baasaboorkaada, warqada Aqoonsiga (ID card) kaarka Degnaanshaha (greend card) iyo wixii la mid ah
- Burburin (baabi’in) sawirada qoyskaada
- Burburin hanti aad wadankaaga ka kensatay (astaan)
- U hanjabid (u goodin) qofka ayada taageeraayo, ama qoyskeeda gacanta u fidinayo (siinaayo) ama saaxiibadeed ehelka u dhow
- Hanjabaad ah in uu sheego qoyska sirtooda (khashifid)
- Isticmaalid (cabsi) dhaar ah in uu isdilayo
- Ku qoslid (lagu maadsado nacasnimo awgeed) caqli xumo ah jinsiyadaada (dhalasho), xirfada aad leedahay iyo in aad naagtahay (lab iyo dhedig)
- Burburin ama waxyeelayn hantidaada (alaabtaada)
- Tusid (caddayn) ah awood sheegasho
- Xoog in laguu isticmaalo in aad saxiixdid warqado ingariis (English) kuqoran kuwaasoo aadan aqoonin sida (warqadaha maxkamada, warqadaha IRS ama kuwa laanta socdaalka)
|
Galmo
- Galmo kaftan ah ama is sharafridid ka hadlid rag iyo dumar (lab iyo dhedig), nin iyo naag (qaabka qofku yahay)
- Masayr (tusaale ahaan, in uu u maleeyo in aad galmo (isutagid) lasameysay sida dadkale)
- Taabasho aadan rabin
- Ceebayn (cambarayn) kusaabsan rabidaada-galmada (wasmada)
- Kuwicitaan magacyo ku tilmaaman galmo
- Xoog in aad kufiirisid/mashquushid sawirada dadka qaaqaawan (siiba ninka iyo naagta isu tagaayo in aad dhexgashid
- Jajuubid khasab ah ama weydiisasho galmo (dalbasho galmo) laguu isticmaalayo dhaar (cabsi)
- Galmo qasab ah oo aad dhibsaneysid
- Qasbid (jajuubid) ama amar galmo adigoo uurleh ama qalan
- Kufsasho
- In lagugu haayo galmo ku wax yeeleyso (ama cudur kugu rido)
Itaal sheegashada Dhaqaalaha
- Xoog (khasab) in aad ku shaqeysid adigoo sharcidarro ah xitaa adigoon haysan warqada shaqada
- Hanjabaad ah in uu u sheegayo ama kuu gudbinayo laanta socdaalka (INS) haddii aad ku shaqeysay “si qarsoodi ah oo lacagta hoos lagugu siiye”
- In aan laguu ogolaanin in aad aado tababar shaqo ama iskuul dhigasho
- In lagaa qaato Lacagta qoyskaada jiro Wadankaada Hooyo
- In aan laguu yeelin ama ogolaanin in aad ogaato ama isticmaashid dakhliga reerka (qoyska) soo galo
Geerigo’an (cidlo ama go’doon)
- Saaxiibadaada iyo qoyskaaga in lagaa go’doomiyo
- In aan laguu fasaxin in aad barato luqada Ingariiska (English)
- In aan laguu ogolaanin in aad kula hadashid ama kula xiriirtid luqadaada Hooyo
- In aad akhrisatid waraaqaha kuu yimaado ama in aad isticmaashid Telefoonka
- In lagaa jarjaro Joornaalka ama lagaa Baa’biyo wargeyska luqadaada kuqoran
- In aan laguu ogolaanin in aad la kulantid dadka ku hadlo luqadaada iyo bulshada aad isku wadanka iyo dhaqanka tihiin
- In lagaa tirtiro nidaamka caawinaada lacagta
- In lagaa gooyo ama lagaa dhexsaaro qoyskaada iyo saaxiibadaada
Caruurta oo la isticmaalo
- Hanjabaad ah in caruurtaada laga saarayo dalka mareykanka
- Hanjabaad ah in loo gudbinayo warbixin kusaabsan caruurtaada Laanta Socdaalka iyo adeega (INS)
- Ka qaadasho lacagtii aad u dirilahayd ee aad u qorsheysay in ay masaruuftaan (biishaan) caruurtaada joogto wadankaada hooyo
- Hanjabaad ah in lagaa saaro wadanka (musaafurin) caruurtana uu isaga halkan ku heysto
- In uu ku yiraahdo (sheego) haddii aad raadsatid caawinaad maxkamada ah ama boliiska, nidaamka sharciga wadanka mareykanka caruurta (ilmaha) isaga ayaa lasiin ama lagu wareejin.
|
Laanta Socdaalka iyo Rabshadaha arimaha gudaha ee qoyska
Xoogaa xaaladaha qaarkood (daruuf), waxaa jiraa sharciyo u gaar ah oo difaaca dadka aan sharciga heysanin (immigrants) kuwaasoo ku dhacay rabshadaha arimaha gudaha ee qoyska iyo
dadka ganacsiga sharci darrada lagu soo galiyey (suuq madow).
Hala xiriirin Laanta Socdaalka iyo Adeega Sharci Bixinta (USCIS) adigoo aadan marka hore talo kahelin Qareen (Abukaato) ama Taageere
Sharci ay ogalaatay dowladda mareykanka ee lagu magacaawo Kasoo Horjeedka Falka Rabshadaha Haweenka (VAWA) kaasoo kusiinayo caawino dheeraad ah ilaalinta sharciga iyo gacan ku haynta mustaqbilkaada.
Waxaa kaloo la sameeyey labo hab Haweenka (Naagaha) koytada ah (Immigrant women) ee lagu xadgudbay ama kuwa guursaday dadka dhalashada qaba ama sharciga degenaanshaha saxda ah qabo in ay ku helaan sharkigooda degenaanshaha.
- I-360 Codsi dacwadeed shaqsi ah: Halkii aad ninkaaga isugu haleyn laheed in uu kuu buuxiyo sharciga degenaanshaha Adiga nafsadaada ayaa codsan kara iyo caruurtaadaba. Waxaadna ka dalbankartaa Laanta socdaalka iyo Jinsiyada Dalka Mareykanka, (USCIS) horayna loogu yaqaanay Adeega dhalasho siinta muhaajirka (INS), Ninkaadana howshaada shaqo kuma lahan. Haddii aad rabtid xitaa ma ahan in uu ogaado in aad buuxisay sharcigaaga degenaashaha.
- I-751-Joojin ah kasaaritaan (Tiritaan ah dib u celinbixitaan ah): Tani waxay diyaaar kuu tahay haddii aad ku jirtid oo kaliya, ama lagugu darro, haddii ay dhacdo in wadanka lagaa saarayo.Haddii aad u qalantid, “Joojinta saaritaanka”, waxaa laga yaabaa in ay Maxkamada kaa dayso dib u celinta ayna ku siiso sharciga degenaanshaha. Sikastaba ha ahaatee, waayo waa in aad horay uga jirtaa waditaanka dhoofinta (Musafuriska) inta aadan buuxinin kahor, iska xaqiiji marka hore inta aadan talaabo qaadin in aad la kulantid Qareen (Abukaato) qaabilsan arimaha Laanta socdaalka (Immigration Attorney)
Sharciga aad ayuu u adag yahay. Waa in aadan iska aadan (USCIS) adigoo aanan latashan shaqaalaha guriga (Shelter Worker), Qareen (Abukaato) qaabilsan Laanta Socdaalka (Immigration attorney), ama qeybta Arimaha Rabshada ee Qoyska iyo wakaaladaha (Hay’ad/ Shirkad) qaabilsan arrimaha sharciga.
Haddii ay kuu muuqato in aadan u qalmin qeybta kasoo horjeedka matalida rabshadaha Haweenka (VAWA), haka rajodhigin. Waxaa jiraa habkale oo aad ku heshid sharcigaaga (immigration status), Golaha Umadda (congress) waxay soo saareen sida ay kamid yihiin.
Fiisooyinka Cusub / new visas oo loogu talagalay dadka dembiga laga galay. (dhibanayaasha). Kala hadal xaaladaada Laanta Socdaalka ama Taageerahaaga arimaha rabshadaha qoyska.
Ka Ganacsiga Dadka
Ka ganacsiga dadka Bina’aadamka waa Sharci darrado. Waa nooc qaab ku xad gudub ah. Ku ganacsiga dadka waxay sharcijebin ku tahay Aduunka oo dhan waana ku tumashada xaquuqda Bina’aadamka, waana qaab asri ah ee Adoonsiga. Haddii aad u baahan tahay warbixin dheeraad ah ee ku saabsan kuganacsiga dadka sharcidarada ah la xiriir: