Multilingual Access Project - Somalia
Woman

Tallaabo Qaadid iyo Caawinaad Helid

Rabshooyinka arimaha gudaha ee qoyska waa khatar (halis) iyo sharcidarro. Waxaa jiraa talaabooyin badan oo aad adiga iyo caruurtaadaba nabadgelyo ku helikartaan.

Guriga dibadda uga bax

Hore u Qorsheyso in aad tallaabooyinkaan aad qaadid.

Askari - (Boliis)Haddii aad khatar ku jirtid wac Telefoonka 911 sida uga dhaqsiyaha badan leh
Askariga (boliiska) wuxuu u tababaran yahay siduu ula macaamiloon lahaa ama u caawinilahaa Rabshaddaha arimaha Qoyska. Waxayna kuu qaadan doonnaan dhab ahaan. Call them Wac ayagga sida uga dhaqsiyaha badan haddii aad u maleysid in aad khatar ku jirtid. Ha sugin. Warso turjumaan ku hadlo luqadaada.Askarta (Boliiska)waa ku qasab in ay raadiyaan turjumaanka. Askarta kuma qasbi karaan sharciga waaxda socdaalka (immigration).

Khadkaqalalaasaha - haddii aad welwelsan tahay, aadna u baahan tahay talo, ama aad u baahan tahay qof aad la hadashid, khadka degdega wey ku caawinayaan. Khadka degdega waxay kuu eegayaan sidii ay ku heli lahaayeen qof ku hadlo luqadaada, adiga iyo caruurtaadana idin caawiye kuuna helo guryaha degdega (shelter), kula xiriiriyo qof ku taageero (doode) kaasoo kaa caawinaayo talaabada xigta ee lakhaadi lahaa.

Khadka degdega wuxuu ku siinayaa warbixin iyo faafahin dheeraad. waxaad u sheegtayna wey kuu qarinayaan.

Haddii aad khatar ku jirtid,wac 911.

Guryaha degdega - Waa meel nabad idiin ah adiga iyo caruurtaadaba
Haddii aad rabtid in aad ka baxdo gurigaaga sababtuna ay tahay nabad gelyo la’aan, guryahaas waa meel aad joogeysaan adiga iyo caruurtaada in muddo ah.

Haddii aad si dhaqso ah khatar uga jirtid, wac 911.

Doode - waa qof dhinacaada ah
Doodaha waa qofkii ku gacan qaban lahaa wuxuuna kugu taageerayaa in aad dooratid mustaqbalkaada iyo nabad gelyadaada.Doodahaaga wuxuu leeyahay khibrad uu kula shaqeeyo dadka xaaladaada oo kale heysato.Doodahaagii (Taagerahaagii)waa in uu kaa caawiyo in uu ku fahamsiiyo xaquuqdaada sharciga ah, iyo in uu kuu helo dadkale oo ku caawiyo, Taageerahaagii waa in uu ku dhageystaa qisadaadii,kaagalana hadlo wixii kusoo maray, kuguna taageeraa sidii aad u dhisan lahayd nolol xur ah oo aan kadeed iyo rabsho lahayn.

Haddii aad khatar ku jirtid, wac 911.

Caawinaad ka helida Askarta (Boliiska)

Waxaad xaq u leedahay in lagaa badbaadiyo qofkii wax ku yeelayo ama ku handadaayo. Weey ku caawinaayaan Askarta. Keligaa ma tihid.

Markaad wacdid 911

Ayadoo aan laguu tixgelineynin sharciga aad wadanka ku joogtid Haddii aadan ku hadlin luqada Ingiriiska (English) Goorta (marka) ay askarta timaado: Sarkaalka /Askariga waa in uu sameeyaa: Askarigana ma ahan in uu isku dayo in uu idiin dhex dhexaadiyo adiga iyo qofkii kugu xadgudbaayey.

Haddii ay kugu adag tahay in aad ku hadashid ingariiska (English) uuna sarkaalka ku hadlin luqadaada.

Inta aysan Askarta bixin: Marka ay Askarta kaa tagaan kadib: